Al taqwaa
Home duruus muxaadaro quran culimo Contact Us
 


CADAWGA ISLAAMKA

 

Hadiyadda Buugga iyo mahadnaq

Waxaan qoraalka Buuggan u hadiyeynayaa :
Dhammaan dadka diinta Islaamka u heeggan ee Culumada Xaqa sheegaysaa ugu horeyso, kuwa toosan een Allaah mooyee cid kale ka baqan, Kuwa Habeenkiina soo jeeda maalintiina u heellan una heeggan fulinta fidinta Diinta Islaamka.

Shaqaalaha kala duwan ee weegaarka diinta , Qiyaadada illaa qaaciidada hoose, Kuwa ka toosey hurddada, kana baraarugey mooganaanta., kuwa ogaadey cadawgooda una heellan ka hortagiisa. Kuwaas ayaa mudan in la ammaano lana daba socdo, hormoodna laga dhigto.
Sidoo kale dhallinta ku taagan dariiqa toosan , dooneysana Nidaam hagaagsan, kuwaas oo waayey Aabe hor kaca, Aqoon ay higsadaan, iyo tusaale waaqiciya oo ay ku daydaan. Kuwaasina waxay mudan yihiin in la garab galo lana toosiyo qalloocoda, laguna raaco saxooda kadib markey gaws danbeedka diintooda gashadeen .

Gaar ahaan waxaan u dirayaa Macallimiinta kala duwan ee ammaanta iyo mahadnaqaba mudan, kuwaas oon Allaah mooyee cid kale wax ka sugeyn, Tarbiyadda iyo Aqoonta dhalinta ku jeedda, kuwaas ooney Adduun iyo Tijaaro midna ka mashquulin u gargaarka diintooda.


MAHADNAQ

Ugu danbeyntii waxaaan u mahad celinayaa dhammaan ciddii buuggan igala qayb gashey, suurtana galisey soo saarriddiisa, oo runtii dadaal muujiyey, gaar ahaan Saxayaashii dhinaca Qoraalka, dhinaca diita iyo dhinaca waaqicaba, kana soo gudbiyey talooyinka iyo ka-qayb qaadashada.
Waxaanan gaar ahaan u xusayaa culumada saxidda ka qayb qaadatey :
Sh. Maxamed Cusmaan & Labada sheekh ee iyaguna qaarradda kale kasoo saxey buugan, ra'yigoodana kasoo dhiibtey: Sh. Maxammed Xassan Cabdilaahi. & Maxammed Xassan Yuusuf Sidoo kale Saxaha Qoraalka buuggan oo runtii dadaal ku muujiyey saxiddiisa: Cabdi Kariim Xaaji Yuusuf.& C/Fataax C/Laahi Xassan.

Waxa kale oo xusitaan mudan sheekhayga Tilmaanta iyo Talooyinka iga siiyey Qoraalka buuggan, sidoo kalana hordhaca kelimadda qaayaha leh kasoo bixiyey: Sheekh Yuusuf Ibraam, Imaamka masjidka weyn ee Zurich.

Allaah dhammaantood haka abaal mariyo, isagaa kaligii sharaf iyo darajo laga tuugaaye, kuwaas oo aan Allaah uga rajenneynno inaanu habaabin camalkooda suubban iyaga iyo dhammaan inta muslim gargaar u fidisa ama diinta Islaamka gargaarkeeda garab qabataba, Aamiin.

Qoraha Buuga(Cadawga Islaamka)

Abukhaalid_Zürich,17 Jan.1995

Print Send
print gareyso ama u dir qof kale

 


 



 

Home | Duruus | Muxaadaro | Quran | Culimo | Qoraalo | Tafsiir | Xidhiidh | Manduumah

© Copyright Altaqwaa 2004.