Al taqwaa
Home duruus muxaadaro quran culimo Contact Us
 


CADAWGA ISLAAMKA

Muxuu Yahay Cadawgu guud ahaan, gaar ahaan kan Islaamku?

Qeexid;

Cadawgu Waa: Cida kaa soo horjeedda, waxaad rumeysan tahayna ku colka ah, waxaanu leeyahay aqoonsiyo badan iyo laamo kala duwan.
Waxaynu ku koobsaneynaa ineynu tilmaanno laba dhinac oo uu leeyahay, lana Cola Shaqada Islaamka iyo Dadkiisa, kana hortagaaya fulinta waxay doonayaan, Hortoodana dhigaya Dhagaxaan ay ku turunturoodaan, una dhaxeysiinaaya Gidaar iyo Tog waxay doonayaan, iyagoo ilaashanaya Maslaxadooda Adduunka.
Ka baqashada kuwaasi-Islaamka-ka mooggan ama aqoon u lahayn waxa Dadka ugu yeedhayaan-Caddaalad iyo Samafalba- ama Diidan waxay wadaanba, waxay og yihiin dhamaan waxa ku sugan ee wanaag iyo sharaf ah !!!

QAYBAHA CADAWGA

1- Cadawga Tooska ah, soona shaac bixiyey colaadiisa.
2- Cadawga Dadban, Maradana saaraya collaadiisa

Labadoodanba waxay hor dhigayaan shaqada Islaamka Qodxo iyo dabinno waxaynu uga hadli doonaa mid walba Gaarkiisa, kuna faahfaahin doonnaa halkan.


BAABKA KOOWAAD
Cadawga Islaamka ee tooska ah Hawlihiisa iyo Magacyadiisa

Tusmana Qormadan oo ka kooban Xubnahan:

* Caddaadiska iyo carqaladeynta Aqoonta iyo fikirka Ummadda
* Qalloocinta dhaqanka iyo Asluubta wanaagsan ee Islaamka.
* Caddaadinta Tarbiyadda dhallinyarada iyo baylihintooda.
* Kahor-tagga nidaamka Islaamkaiyo Mujtamaca Muslimka ah.

Qodbadaas oo dhan kala soco qormadan soo socota

 

Print Send
print gareyso ama u dir qof kale


 



 

Home | Duruus | Muxaadaro | Quran | Culimo | Qoraalo | Tafsiir | Xidhiidh | Manduumah

© Copyright Altaqwaa 2004.