Al taqwaa
Home duruus muxaadaro quran culimo Contact Us
 


 

Hordhac

Mahad Illaahay baa leh isagaana gargaar ka sugaynaa denbi dhaafna waydiisanaynaa una toobad keenyanaa, illaahay baanu ka magan galaynaa sharka nafahayaga iyo xumaanta camalkayaga, qofka illaahay hanuuniyo cidi ma halayso qofka uu heleeyana cidi ma hanuuniso, waxa aan qirayaa in illaahay mooyane illaah kale jirin kaligii, waxa aan qirayaa in Maxamed yahay adoonkii illaahay iyo Rasuulkiisi N.N.K.H isaga iyo asxaabtiisi iyo cida wanaag ku raacda ilaa maalinta qiyaamaha.

Intaa ka dib Mowduucyadan Bisha Ramadaan ee barakaysan waxa ku jira Axkaamtii Soonka, Fadliga habeenkii ee cibaadada lagu soo jeedo iyo waxyaabo kale oo mihiim ah in bisha ramadaan la fahmo, waxana ay u nidaamsan yihiin si maalinle ah, waxana ka soo uruurinay website ka www.al-islam.com iyo Kitaabka Majaalisul Ramadaan oo uu qoray Sh. Cusaymiin, kutubkaas oo Cusaymiin soo koobay Illaahay ha u naxariistee ajar iyo xasanaadna ha ka siiye inagana ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysa kuna camal fala.

Waxa Mowducyadan Bisha Ramadaan soo diyaariyay soona Turjumay walaalaha Axmed Ismacil Xasan, Siciid Cumar Yuusuf, Cabdifataax Xasan Aadan (Hargeysawi), walaalahaas oo dhamaantood ku sugan Magalada Hargeysa/Somaliland. Waxayna walaaluhu ay howshaa balaadhan wakhti badana qaadatay ku hawlgaleen kuna diyaariyeen iyagoo illaahay khayr kaga doonaya cid kalena aan magaca iyo sharaf kaga doonayn.

"Anagu dar illaahay ayaan wax idin siinaynaa idinkama doonayno abaalmarin iyo mahadnaq midna" [Suratul Insaan-8]

>>>>Waxaad nagala soo xidhiidhi kartaan cabdifataax_96@hotmail.com

***************

 

Print Send
print gareyso ama u dir qof kale

 


 

 



 

Home | Duruus | Muxaadaro | Quran | Culimo | Qoraalo | Tafsiir | Xidhiidh | Manduumah

© Copyright Altaqwaa 2004.