Al taqwaa
Home duruus muxaadaro quran culimo Contact Us
 


Hadafka Webkan Altaqwaa

» Hadafkeenu waa Raali-gelinta Allaah, annagoo u badhax-tireyna Niyadda.
» Waxaanu ku dadaaleynaa inaanu Qaadno dariiqa sunnada Nabiga (s.c.w)
» Saxaabada Nabiga iyo dadkii wanaagsanaa ee salafkeena ahaa fahankooda.
» Caqiidadayadu waa: Manhajka Salafka si guud iyo taafasiisha caqiidadaba.
» Fahankayagu waa; inaanu Islaamka si guud u qaadano oon la kala qaybin lana kala dooran.
» Hadafkayagu waa: Inaanu Allaah Raali galino, dadkana ugu yeerno/ jiidno dariiqaasi.
» Dariiqa aanu mareyno ee dacwadda Allaah aanu ugu yeedheynaa waa fahankaasi Salafka.
» Tarbiyadda dadkoo dhan (mujtamaca qaybihiisa kala duwan) iyo maraxishiisaba ku wajahan.
» Zaadkeenu waa Allaah ka cabsiga iyo Iimaanka Raasukha ah ee loogu dhawaanayo Allaah.
» Dadka waxaanu ku xiriirineynaa intey kitaabka Alle iyo Sunnada u dhaw yihiin.
»Waxaanu ku goyneynaa ama uga fogaaneynaa intey ka fog yihiin kitaabka iyo Sunada.
»Waxaanu xiriirineynaa dhammaan Inta Alle iyo Rasuulkiisa (s.c.w ) xiriirisa ee jecel.
»Waxaanu goyneynaa Gaalada, bidcoolayaasha iyo dadka hawodooda raacay.
» Cilmiga sharciga ah ee culumadu ina soo gaadhsiisey ayaa ah ka lagu badbaadayo.
» Bidcada, caqiidada beddelen , macaasida iyo afkaarta gaalada in laga fogaado.
» Kala tagga, is khilaafidda iyo xizbiyada kala duwan in arrimhaasi laga dheeraado, Kitaabka iyo Sunadana loo ban-dhiggo markasta arrimahaasi loona xukun tago.
» In dacwadda Dadka loogu yeedhayo ay noqoto xagga Allaah, aysan noqon ashkhaas.
»Khayrka, wanaaga, cilmiga sharciga, iyo hanuunka waxa laga qaadanayaa Daliilka Kitaabka iyo Sunada waafaqsan, fahanka Salafkii horena loo noqdo lagana hor mariyo afkaarta qalloocda.
» Webkan Al-Taqwaa waxa ka mamnuuc ah, afkaarta iyo Caqiidada baadilka ah-ee hore ama cusub-kuwaas oo aan lagana faafin karin, dadkana loogu yeeri karin baadilkaasi.
» Duuduub ahaan , ujeedadeena iyo hadafkeena sidaas ah, waxa dhici kara khalad ama qallooc ama turunturooyin iney nagu imin karaan, taasna Shariicada islaamku waa ka beri, waxaaney u noqoneysaa dadka arrinkaasi ku dhacay webkana ma metalaan.
» Nasiixada dhaxdeena iyo dhibarsanaantu waa habka aanu ugu yeedheyno dadka, sidaa daraadeed waanu qaadaneynaa arrinkii nalagula taliyo ama naluuga nasteexeeyo ee ka eryaya ama tafaraaruq dhalinaya ee wasiilo ah ama ijtihaadi ah.
» Webkan Al-Taqwaa wuxuu ka qayb qaadanayaa, fidinta Diinta Islaamka iyo baahinteeda, isagoo raacaya wasiilooyinka bannaan ee dariiqa Dacwadda Rususha loo adeegsan karo.
» Safxadu waxay isku xiraysaa, Culumada iyo shacabweynaha meel kasta oo ay Aduunka daafihiisa ka joogaan, kaas oo u adeegsanaya qalabka war-baahinta qaybtiisa Internetka.


Walaalayaal taasi waa dadaal laga yaabo inuu gabood-fal ku yimaado, dhameystirkiisa iyo fulintiisa waxa lagu gaadhi karaa is kaalmeysigeena iyo wada shaqeynteena Alle daraadii ah.

Wixii aad u qabto inaanu ka gaabiney ama ku talax-tagney, fadlan noogu soo dir Emailkan

admin@altaqwaa.com

Manhajka Al-taqwaa.com

Yoolka Al-taqwaa.com


Print Send
print gareyso ama u dir qof kale



 

Home | Duruus | Muxaadaro | Quran | Culimo | Qoraalo | Tafsiir | Xidhiidh | Manduumah

© Copyright Altaqwaa 2004.