Al taqwaa
Home duruus muxaadaro quran culimo Contact Us
 


100 dariiqo oo loogu gargaarayo Nabigeeni Maxamed (CSW)

Illahaay (SW) ayaa mahadleh Nabi maxamed nabadgelyo iyo Naxariis kor kiisa ha ahaatee kii ugu sharafka badnaa Nabiyada isaga iyo ehelkiisa dhamaan iyo asxaabtiisa.

Rukunka koowaad ee arkaanta islaamka, ahna ka ugu weyn waa in aad qirto in aanu illaahay mooyane illaah kale jirin maxamedna uu yahay rasuulkiisi Csw) hadaba qirista maxamed in uu yahay rasuulkii illaahay (SW) waxa dhamaystirmaysa inta lagu gudo jiro labadan arimood.

Ta koowaad: in la rumeeyo Nabi Maxamed (CSW) lana rumaysto dhamaan waxyaaba uu inooga waramay oo ay ugu horeyso in uu yahay rasuul illaahay u soo diray Jinka iyo Insigaba dhamaantood si uu u gaarsiyo waxyiga illaahay (SW) ee quraanka ah iyo sunaha, labadoodaas oo damaanad qaadaya diin ahaan islaanimada iyo in aan diin kale la aqbalayn.

Ta labaad: In la cadeeyo raalina lagu ahaado xukunkiisa la iskuna dhiibo si dhamaystiran loona hogaansanaado sunihiisa tiiyo isaga (Nabi Maxamed CSW) lagag dayanayo waxana aynu ka bilaabaynaa wixii ka soo hadha.

Ta Sadexaad: Jacaylka Nabi Maxamed (CSW) waxa uu ka sareeya ka waalidku jecel yahay ubadkiisa iyo nafta, waxana loo nidaamiyay sida ay u kala wayn yihiin, hadaba u gargaarida iyo difaacidiisu waa in lagu koobnado quraanka iyo sunaha rasuulka (CSW)

waxa ku waajib ah qof kasta oo muslim ah in uu ku dadaalo sidii uu u xaqiijin lahaa macnahan si uu u saxnaado iimankiisu isagoo rumaynaya qaybta labaad ee kalmada towxiidka, hadaba caqbalida in uu yahay maxamed yahay rasuulkii illaahay (CSW) munafiqiintu waxay yidhaadeen "Waxanu qiraynaa in aad tahay rasuul illaahay, illahayna wuu og yahay in aad tahay rasuulkiisi, illaahayna wuu og yahay in ay munafaqiintu been sheegayaan"[Al Munafiqiin-1]

Qiristoodani maaha mid anfacaysa waayo may xaqiijinin macnaheedi, hadaba badhka mid ah arimahan aynu la imanayno marka aynu wadno Jacaylkii Rasuulka (CSW) waxa inagu waajib ah in aynu xaq uu nabigu inagu leeyahay aynu u gudano si dhab ah, diinta islaamkana waa in aynu u hurno awlaadeena iyo waalidkeen iyo nafteena iyo maalkeenaba mid kastaaba inta uu karo, qofkastana waxa uu masuul ka yahay goobta uu ku sugan yahay iyo wixii hareerihiisa ah.

Heerka Shaqsi:

1. Ka fikirka cadayn maha Nabinimada maxamed (CSW) ee sugaya in uu yahay rasuul mid uu soo diray rabiga caalimiintu asalkoodu waa quranka kariimka ah kaas oo damaanad qaadaya cadeemaha Nabinimada Maxamed (CSW)

2. In aad barato cadeemaha quraanka iyo sunaha iyo waajibka daacada Rasuulka (CSW) la inagu amray in aynu raacno kuna dayano isaga.

3. Barashada iyo Garashada ee ilaalinta illaahay (SW) ee sunaha, taas oo ah inta lagu jiro dadaalkii waynaa ee ay wadeen ehlu cilmigu sabannada kala gedisan ee la soo maray, iyagoo cadaynaya saxeex sunaha, iyagoo ku soo koobay dariiqooyin aad u xeel dheer waana ta umadeenu kaga duwan tahay umada kale ee ka horeyay.

4. In la is dareensiyo jacaylka Rasuulka (CSW) si qurux badana loo xuso sifooyinka iyo dhaqamadiisi wanaagsan si dhamaystirana loo akhriyo, Nabigu (CSW) waxa uu koobsaday dad-nimo dhamastiran dhinaca akhlaaqda.

5. In la soo qaado Nabigeeni Maxamed (CSW) fadligiisa wayn iyo wanaagisa qof kasta oo inaga mid ihi, lana ogaado in uu yahay ka ina soo gaadhsiyay diinta si dhamaystiran Nabi Maxamed (CSW) waxa uu gaadhay in uu ina soo gaadhsiyay risaaladii isagoo gutay amaanadii umadana waaniyay.

6. In aynu Cisayno Khayrka aduunyo iyo ta aakhiro inagoo ku raacayna Nabiga (CSW) nimcadan fadliga iyo nimcada illaahay ina siiyay, illaahay nabiga khayr haku abaal mariyee inta nabi umadiisa laga abaal mariyo

7. waa in aynu ogaano in uu nabi maxamed (CSW) in uu u dabacsanaa una naxariisan jiray aadna u ilaalin jiray umadiisa, illaahay (SW) waxa uu yidhi "Nabiga ayaa muumininta naftooda kaga xaq leh"[Axsaab-6]

8. In aynu ogaano aayadaha iyo Axadiista ina tusaya waynida iyo darajada rasuulka (CSW) ee illaahay agtiisa uu ka leeyahay, Jacaylka Illaahay (SW) u qabo Nabi Maxamed (CSW) iyo sida uu u karaameyay.

9. In aynu laasino amarka illaahay inagu waajibayay iyo ee jacaylka rasuulka (CSW) oo aynu nafteena ka horaysino Rasulka (CSW) (Midkiin imuu rumayn ilaa uu iga jeclaado naftiisa iyo ubadkiisa iyo waalidkii iyo dhamaan dadkoo dhan)

10. In aynu laasino amarka illaahay (CS) uu inafaray ee ah in aynu si edab leh ugu dhaqano sunaha Nabiga (CSW) "Kuwa muumininta ahow kor ha u qaadina codkiina haka dheerinana codka nabiga hana ku qaylinina sida badhkiin badhka kale ugu qayliyaan, camaladiina ayaa la joojin idinka oo dareemayn"[Xujraat-2]

11.In aynu u hogaansanano amarka illaahay (CS) ee ah difaaca Rasuulka (CSW) u gargaaridiisa iyo ka ilaalinta aynu ka ilaalinayno cid kasta oo dhibaato la soo doonata ama nusqaan u tilmaamta.

12. In aynu si dhab ah u soo qaadano oo aynu joogtayno u hiilintiisa iyo ilaalintiisa.

13. In aynu soo qaadano abaal-marinta wayn ee aakhiro cida xaqiijisa jacaylka Rasuulka (CSW) una raacda si saxan in uu noqonayo rafiiqa nabiga ee janada sida uu nabigu (CSW) yidhi nin yidhi waxa aan jecelahay illaahay iyo rasuulkiisa nabiguna (CSW) uu ku yidhi (Adigu waxad raacaysaa cida aad jeceshahay).

14. In aynu ku Dadaalno Ku saliga Nabiga (CSW), sida la tilmaamay eedaanka ka dib salaadaha jimcaha, wakhti kasta, ajarkiisa weyn ayaa sidaa loo kala horeysiyay iyo weynida xaqa Nabigu (CSW) uu inagu leeyahay.

15. In aynu Akhrisano Siirada Nabiga (CSW) iyo go’aamadii faa’iidada lahaa ee Nabigu (CSW) ka gaadhi jiray dhacdooyinka, isla markaana aynu wax ku qaadano xigmada ku jirta, inagoo ka faa’iidaysanayna dhacda kasta faa’iidada khaaska ah ee ay leedahay, inagoo waafajinayna nolosha iyo waaqica aanu ku sugan nahay.

16. In aynu barano sunnaha Rasuulka (CSW), inagoo u baranayna sidii ay u saxeen ehlu cilmigu xadiisyada Nabiga (CSW) laga soo aruuriyay si aynu u fahno xadiisyada, isla markaana aynu soo qaadano, tacliimtii Nabigu (CSW) bixinayay ee ku dhisnayd xiqmada akhlaaqada saraysay iyo cibaadada dhamayska tiran ee illaahay (SW).

17. In aynu raacno sunnnaha Rasuulka (CSW) oo dhamaystiran inagoo ay waajib inagu tahay in aynu ka horeysiino waxa ka soo hadhay.

18. In aynu ku dadaalno ku dayashaha sunnahii Rasuulka (CSW), inagaa ku dadaalayna ku dayashadiisa wanaag kasta oo uu sameeyay waa in aynu inta aynu nool nahay mar uun la nimaadnaa.

19. In aynu ka digtoonaano kana fogaano ku dheel dheelida shay ka mid ah sunnaha Nabiga (CSW).

20. In aynu dadka dhexdiisa kaga farxino soo bandhiga sunnaha Rasuulka (CSW).

21. In aynu ka murugoono qarinta badhka mid ah sunnaha Rasuulka sida ay dadka qaar sameeyaan.

22. In aynu ka cadhoono cid kasta oo dhaliilaysa Nabiga iyo Sunnihiisa (CSW).

23. In aynu jeclaano Nabiga (CSW) ehelkiisa, dumarkiisi iyo duriyadiisi oo aynu ugu dhowaano illaahay (SW) jecaylkooda ku dhowaansha ay Nabiga ku dhowaayen iyo islaanimadooda darted.

24.In aynu ku camal falno dardaarankii Rasuulka (CSW), ee uu ku dardaarmay “Waxa aan idin xasuusinayaa ehlu bayd-kayga” hadalkaa Nabigu (CSW) saddex jeer ayuu yidhi.

25. Jacaylka Asxaabtii Rasuulka (CSW) iyo fadliga ay dheer yihiin cida iyaga ka denbaysay ee cilmi iyo camal wanaagsan la timaada iyo dirajada ay ku leeyihiin illaahay (SW) agtiisa.

26. Jacaylka Culimada iyo qadarintooda, laguna qadariyo dhaxalka Nabiyada ay hayaan, waxay mudan yihiin jacayl iyo qadarin, waana xaq Nabigu (CSW) ku leeyahay umadiisa.

Heerka Qoyska iyo Mushtamaca

27. waa in ubadka lagu tarbiyadeeya jacaylka Rasuulka (CSW).

28. In ubadka lagu tarbiyadeeyo ku dhayashada Rasuulka CSW xaalad kasta.

29. Waa in umadka la baro kutub ka sheekaynaya siirada Rasuulka (CSW).

30. Waa in la dhagaysiiya cajalado ah Siirada Rasuulka (CSW).

31. Waa in la daawadsiiya filiyo ku salaysan Manhajka tarbiyada ee saxan.

32.Waa in wiigiiba mar la siiyo cashar ama in ka badan oo siirada Rasuulka ah (CSW) qoyska oo dhan.

33. Waa in ninku kaga daydo maamulka qoyskiisa sidii uu Nabigu (CSW) u maamuli jiray qoyskiisa.

34. Waa in lagu dhiiri geliyo ubadka siidii ay u xifdiyi lahaayeen ducooyinkii Nabiga (CSW), kuna dhaqmi lahaayeen.

35. Waa in lagu dhiiri geliyo ubadka sidii ay maalinkasta qayb ka mid ah masruufkooda ugu bixin lahaayeen sadaqad ama qof baahan u gargaaridiisa, iyagoo ku dhaqmaya xadiisyada Rasuulka (CSW).

36. Waa in ubadka la baro ku halqabsiga xadiisyada Rasuulka (CSW) sida Muumin God laba goor laguma wada qaniino iyo Fududeeya oo ha adkaynina.

37. Waa in qoyska loo sameeyo tartamayo Siirad Rasuulka ah (CSW)

38. Waa in la baro qoyska muslimka ah noloshii Rasuulka (CSW) ileyn waxa ku waajib ah in ay u dhaqmaan sidii ehlu baydka Rasuulka (CSW).

Meelaha Heerka Waxbarashada iyo dadka ka shaqaynaya

39. Waa in lagu beera Jacaylka Rasuulka (CSW) Ardayda si ay u muuqato xaqa nabigu (CSW) ku leeyahay umadiisa.

40. Waa in la sameeyo Muxaadarooyin iyo Duruus lagaga waramayo dhinacayada kala gedisan ee noloshii Rasuulka (CSW).

41. Waa in lagu dhiiri geliyaa Masuuliyiinta heerka waxbarasahda in ay sameeyaan Xiisad siirada Rasuulka oo la socota Manhajka Waxbarashada iyo Daraasaadka islaamiga ah, dhinaca barashada dad-nimada.

42. Waa in maalgelin lagu sameeyaa daraasadka Siirada Rasuulka (CSW), sida jaamacadaha reer galbeedkuba ay sameeyaan.

43. In la dhiiri geliyo cilmi barista Siiradii Rasuulka (CSW) lana daabaco kutub sida Almaqaasi iyo Shaamil.

44. Waa in lagu sameeyaa Madarasadaha Bandhig iyadoo lagu baranayo Juquraafi ahaan sidii uu u soo barbaaray islaamku.

45. Waa in Qayb Khaas ah loo sameeyo Makhtabadaha taas oo laga heli karo wax kasta oo la xidhiidha Siirada Rasuulka (CSW) iyo Ahmiyada ay leedahay.

46. Waa in la diyaariyo Sidii loo Samayn lahaa khayd Akaadamiyadeed oo qani ku ah Siirada Rasuulka laguna sixi karo hawlaha dib u eegista iyo turjumada luqadaha caalamiga ah.

47. Waa in la sameeyo Tartamo Sannadkiiba mar ah oo Ardayda loo qabto laguna abaal mariyo Jaa’isado qiimo badan Ardayga ama Ardayada keenta cilmi baadhis Siirada Rasuulka ah (CSW).

48. Waa in la sameeyo Xarumo Damaanad qaadi kara in ay soo saaran dhalinyaro firfircoon oo Jecel Rasuulka (CSW).

49. Waa in la sameeyo Tababaro Khaas ah oo lagu diyaarinayo hogaamiyaashi ku dayashada Rasuulka (CSW).

Heerka Imaamyada iyo Daaciyiinta iyo Kuwa Cilmiga Baranaya

50. Way cadahay waxyaabaha u khaaska ah Dacwada in ay tahay in loo soo diray Nabiga (CSW) dadka dhamaantood iyo ku dadaalida hanuunida dadka, sidii uu qof kastaaba illaahay (SW) u caabudi lahaa.

51. Waa in laga shaqeeyo sidii dadka Dacwada loo gaarsiin lahaa looguna hanuuni lahaa diinta, Jinsi kasta iyo Qabiil kasta.

52. Waa in ay cadeeyaan sifooyinkii Rasuulka (CSW) iyo dhaqankiisi, nabi-nimada horteed iyo intii uu risaalada wadayba.

53. Waa in la cadeeyo fadliga Rasuulka (CSW) iyo Waxyaabaha u khaaska ah umadiisa si asluub ah oo qurux badan.

54. Waa in la cadeeyo mowqifyadii Rasuulka (CSW) ee Ehelkiisa, Jaarkiisa iyo Asxaabtiisa dhamaantooda illaahay raali haka ahaadee.

55. Waa in la cadeeyo Nabigu (CSW) sida uu u la dhaqmi jiray cadowgiisa ay ka mid ahaayeen ehlu kitaabka mushrikiinta iyo munaafaqiinta.

56. Waa in la cadeeyo Manhajkii Nabiga (CSW) ee nolol-maalmeedkisa.

57. Waa in Khudbada labaad khaas looga dhigo badh ka mid ah oo koobaya muuqalo siirada rasuulka (CSW) ah, taas ayaana ka wanaagsan in khudbad dhamaystiran wakhti kale laga dhigo.

58. Waa in lagu daro Ayaad ka hadlaya Nabiga (CSW) marka la tukanayo.

59. Waa in lagu daro Xalqado xiftiga Xadiiska ah, Xalqadaha kale ee Xiftiga Quraanka ee Masaajidada.

60.Waa in la saxo Khaladka ay fahansan yihiin dadka jaahiliinta ah ee dhinaca sunnaha, waana in loogu baaqo in ay qabsadaan sida saxda ah iyadoo wax loogu sheegayo asluub sax ah oo cadaan ah.

61. Waa in la xasuusiyo Fatwooyinka culimada umada ee cadaynaya xukunka qofka la yimaada Shay Nabiga (CSW) nusqaan ku keenaysa, sida ay waajib ku tahay in laga cadhoodo iyo in beri laga noqdo.

62. Waa in marka dadka la gaadhsiinayo dacwada, waa in loogu soo bandhigo si sahlan oo fudud.

63. Waa in laga digtoonado Warbaahinta muuqalka ah, ta Maqalka iyo ta Akhriska ah ee ay ku jirto been laga sheegayo Rasuulka (CSW) ama Qaloocin diinta islaamka ah.

64. Waa in dadka lagu dhiri geliyaa in ay akhristaan Siirada Rasuulka (CSW) iyagoo ka raad-raacaya dariiqa saxan.

65. Waa in la masaxo wixii Madmadow iyo muuqaal aan saxnayn ee Siirada Rasuulka ah.

Heerka Mufakiriinta iyo Warbaahinta iyo Saxaafada.

66. Caanimadii Shaqsiyadii Rasuuka (CSW) iyo waxyaabaha u khaastahay umadiisa marka lagu jiro baahinteeda ee lagaga hadlayo munaasibadaha warbaahinta iyo saqaafada.

67.Waa in la joojiyo baahinta Mawduc kale oo ka baxsan sunnaha rasuulka (CSW)

68. Waxa ay isku dayaan Warbaahinta reer Galbeedka iyo Yuhuudu in ay baahiyaan waxyaabo ka hor imanaya Diinta islaamka iyo Nabigeena (CSW).

69. Inaguna waa in aynu qabano Khulamo saxaafadeed iyo Warbaahineed oo inagula jiraan cid aan ahayn Muslim ugana warano una soo bandhigno Risaalad Rasuulka (CSW) oo sax ah.

70. Waxyaabaha dadka aan islaamka ahayn ay ka baahinayaan Nabiga (CSW) kana sheegayaan.

71. Waa in la qabto kulamo iyo doodo si kor loogu soo qaado Manhajka Islaamka iyo Siiradiisa lana qabto munaasabado lagu cadaynayo arintaa goor kasta iyo meel kasta.

72. Waa in la diyaariyo Musaabaqooyin Warbaahineed oo ah Siirada Rasuulka (CSW) iyadoo lagu bixinayo Jaa’isado qiimo leh.

73. Waa in la qoro Maqaalo iyo Qisas iyo qoraalo ka waramaya Nabiga (CSW).

74. Waa in ay baneeyaan Madaxda iyo Tafatirayaasha Saxaafadu iyo Majaladuhuba, bogog khaas ah oo lagu cadeeynayo xadiisyo iyo aayado ku tusaya waajib nimada jacaylka Nabiga (CSW), Jacaylkiisu waxa uu ka horeeyaa ka waalidka iyo ubadka iyo dhamaan dadkoo dhan, waxa uu ka horeeya ka nafta, jacaylkani waxa uu keenayaa in la weyneeyo lana qadariyo laguna daydo, qof kastana hadalkiisa laga horeysiiyo hadalka Rasuulka (CSW).

75. In loo cadeeyo Barnaamijyada Tv-yada sida ay u diyaarin lahaayeen barnaamijyo khaas ah oo ah Siirada Rasuulka (CSW) iyo sidii uu ula dhaqmi jiray Qoysaskiisa iyo Ubadkiisa iyo Asxaabtiisa iyo sidoo kale sifooyinkiisa dhaqanka.

76. Waa in lagu dhiiri geliyo Shirkadaha Warbaahinta sida ay u soo saari lahaayeen Cajalad fiidyow oo ah Siirada Rasuulka (CSW).

77. Waa in lagu dhiiri geliyaa Maxadadaha Tv-yada kuwa wadanka iyo kuwa Caalamiga ahba, sida ay u baahin lahaayeen Af-laan kuwa caruurta ah oo ka waramay Siiradii Rasuulka (CSW) iyo Qisaskii Anbiyada.

Ururada Samafalka iyo Dacwada

78. Waa in ay sameeyaan koox ama qayb sidata calanka u gargaarida Rasuulka (CSW).

79.Waa in la sameeyo Meel Khaas ah qoobaha Carwooyinka lagu soo bandhigo kitaabada iyo cajaladaha diiniga ah, Waa in la sameeyo meel khayr ah oo ay ku qoran tahay Risaaladii Nabiga (CSW).

80. Waa in la sameeyo meelo Khaas ah oo si joogta ah u baahiya Cajaladaha iyo Kutubta ka waramaya Nabiga (CSW)

81. Waa in la sameeyo Jaa’isado qiimo badan leh oo la gudoonsiiyo qofka si fiican ugu adeega sunna iyo siiradii Nabiga (CSW) lana qabto xaflad sannadkiiba mar xafladaas oo lagu marti qaadayo dadka miisanka leh.

82. Waa in la daabaco Kutubta Siirada Nabiga (CSW) oo ku qoran luqadaha Ajanabiga laguna baahiyo Maktabadaha guud iyo jaamacadaha aduun ku baahsan.

83. Waa in la sameeyo Majalad Siirada Nabiga ah (CSW) iyo Tacliinta Islaamka ah, umadana loo soo bandhigo wanaaga iyo quruxda ay diinta islaamku leedahay.

84. Waa in la sameeyo Sanaaduq Tabaruc ah oo lagu maal gelinayo u gargaarida Rasuulka (CSW) Alifaada Siirada iyo Turjumida iyo Samaynta Website Caalami ah.

Heerka Dadka ka Shaqeeya Shabakada Caalamiga ah iyo kuwa ka shaqeeya.

85. Waa in la sameeyo Website lagu qoro diinta islaamka iyo Qisaskii Anbiyada iyo mawducyada kale ee la xidhiidha.

86. Waa in la sameeyo Website Khaas u ah Siirada Rasuulka (CSW) laguna soo bandhigo in ay tahay Risaalad Caalami ah.

87. Waa in Doodo lala yeesha dadka aan muslimka ahayn, looguna baaqo sida ay daraasad ugu samayn lahaayeen Nabiga (CSW) iyo Diinta islaamkaba.

88. Waa in la samaayo Hab si fudud la isku diri karo Fariimaha Electronic ah oo ay ku jiraan Xadiisyada iyo Wanooyinkii Rasuulka (CSW).

89. Waa in la diyaariyo Baahinta electronic ah oo ku siman xili ilaa xili kale si joogta ah kana waramay Shaqsiyadii Rasuulka (CSW), khaasatan Munaasabadaha.

90. Waa in lagu dhawaaqo Baaritaano Cadaan ah oo lagu eegayo badh ka mid ah Kutubta iyo Muxadarooyinka lagaga hadlayo Rasuulka (CSW).

Heerka Tijaarta iyo Xukumada Islaamiga ah

91. Waa in ay muujiyaan Firfircoonan dhinaca dacwada ah oo la xidhiidha Siirada Rasuulka (CSW).

92. Waa in ay Daabacaan Musaqaad (Waxyaabah Gidaarada lagu qurxiyo) oo ay ku qoran yihiin waanooyinkii iyo Xadiisyadii Nabiga (CSW).

93. Waa in ay sameeyaan Janalo Tv-yo ah, Idacado iyo Majalado ka waramaya diinta islaamka kana kooban luqadaha kala duwan, gaar ahaan Luqada Ingiriisiga.

94. Waxa ay si xeel dheer Idacada iyo Tv-yada Ajaanibku waxyaabo ka hor imanaya Nabiga (CSW).

95. Waa in aynu samaynaa xarumo u khaas ah Baadhida iyo Daraasadka Siirada Nabiga (CSW) iyo sidii loogu turmimi lahaa luqadaha caalamiga ah.

96. Waa in la sameeyo Makxaf iyo Maktabado ku khaas ah Siirada Rasuulka (CSW).

97. Waa in la sameeyo Website-yo u khaas ah Sunnaha iyo Siirada Rasuulka (CSW).

98. Waa in la Daabaco lana baahiyo Kutubta iyo Cajaladaha iyo Barnaamijyada Warbaahinta ee lagu gudbinayo wanaaga diinta uu la yimi Nabigu (CSW) iyo Akhlaaqdiisi dhamayska tirnayd oo luqado kala duwan ah.

99. Waa in la Sameeyo Musaabaqooyin Dacwada ah oo qofka lagu siiyo waxyaabo dhiiri gelinaya.

100. Dhamaanteen waxa inagu waajib ah in aynu u gargaarno qof Diinteena islaamka qof kastaab wixii uu kari karo, sidaas ayaana u diyaarinay xusuustan, si aanu qofna cudur daar uga helin, dhamaanteena aynu ka shaqayno sidii aynu u baahin lahayn Xusuustan dacwada ah inaga oo gaarsiinayna ehelkeena iyo guud ahaanba umada.

Waxanu ka soo Qaadanay Website-ka www.icsfp.com

Wa Bilaahi Tawfiiq

Waxa si wada jir ah u Turjumay

Axmed Ismacil Xasan (Bucul)

Cabdifataax Xasan Aadan (Hargeysawi)

Cabdifataax_96@hotmail.com

Hargeysa Somaliland

Print Send
print gareyso ama u dir qof kale


 



 

Home | Duruus | Muxaadaro | Quran | Culimo | Qoraalo | Tafsiir | Xidhiidh | Manduumah

© Copyright Altaqwaa 2004.