Al taqwaa
Home duruus muxaadaro quran culimo Contact Us
 


Dumaasha iyo Afar Dumari dadoow Aidis miyey keeneen

Su'aashaas Waxaan sidaasi uugu dhigay, in aan digtoonaan iyo feejignaan ka qabno fikradaha laysnoo soo tebinayo ama guurinayo iyada oo aan la shaandheyn ama la hufin oon la haadin.

Bulsho weliba waxay leedahay Diin Asaas u ah iyo dhaqan ay ku dhaataan, sidaa daraadeed waxa muhiim ah dadka aad la hadleyso inaad dib u jaleecdo dhaqankooda iyo diintooda, wixii ku lidi ahna aanad ku dhiiran inaad duritaan iyo foolxumo u soo jiido. Hordhacasi dabadeed:

Goormey Dumar badan oo la guursadaa ama haweeney walaalkaa ka dhintey oo aad Dumaashaa u noqotey mid dhalisa cudurka dilaaga ah ee Aidiska. Sababaha Qarsoon ee ku qancinta dadka Muslimiinta ah inaaney afar Dumar ah guursan ama haweeney wax ka badan, sidoo kale dhaqanka duruufo gooniya keeneen ee dumaasha ah lagu sheego sabab dadban oo keenta Aidiska (Sidaasi waxa qorey webka Hiiraan).waakan Qoraalku siduu u dhignaa:

<<Haddaba, waxaa ka jiro dalka Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho wel wel ay dadka ka muujinayaan in uu cudurkan soo galo Soomaaliya, wuxuuna wel welkaasi sii kordhay kadib markii ay qaar ka mid ah Dhaqaatiirta Muqdisho ay ka dhawaajiyeen in ay jiraan siyaabo aan toos ahayn oo uu qofku ku qaadi karo cudurkan, waxaana siyaabahaas ka mid ah dumaalka yacni guursiga haweeney uu walaalkaa ka geeriyooday, isagoo weliba u dhintay cudurkan, isla markaana aan laga warqabin wixii uu u dhintay, sidoo kale xaasas badan wada guursiga ayaa iyaduna ah sabab kale oo lagu qaadi karo cudurkan waayo Soomaalida oo ah dad muslimiin ah waxay diintooda u ogoshahay in ay wada guursadaan waa raggee afar naagood, kuwaasi oo ay suurtagal noqon karto in midkood ay qabto cudurka, si kasta oo ay ku soo qaadaba>> halkan kasii eeg maqaalkaas oo dhameystiran

Sababaha tooska ah ee keena Aidiska waxaan kasoo qaadan karnaa:

1- Ibta oo cidaanad xalaashan u orgoota (Xubinta taranka) ama galmoodka xaaraanta ah.

2-Irbadaha dhiiga gaadha oo ViruskaAidiska sida oo la wada isticmaalo.

3- Dhiiga ama dheecaanada qaarkood oo Aidis leh, oo laysku shubo ama talaalo.

Intaas waxa sii raaca sababo kale oo ka farcama dhammantoodna ku saleysan ( Galmoodka: dhinicuu doono ha ahaadee hadii mid ka midi qabo cudurkaasi, Irbadaha ama dhiiga oo toos layskugu shubo, Ilmha caloosha ku jira oo hoyadii cudurkaasi xanbaarsan tahay) kuwaasi waa arrimo badankooda cilmiyan ku sugnaatey, waxaana jira arrimo khilaaf ka taagan yahay oo aanan halkan ku faahfaahin karin.

Haddaba bulshadeena Muslimka ahi ma aha marnaba in tusaale loogu soo qaato waxay Diinta iyo dhaqan u leenahay, taas oo ka fog sababaha keena cudurkaasi.

Haddii gogol ama galmood lagu kala qaado ma ahayn inuu tusaale u soo adeegsado gogosha xalaasha ah ama guurka dhaqanka iyo diinta waafaqsan, waxayse ahayd inuu dhaho "Laba qof oo isu tago midkoona cudurkasi sido" xalaal ama xaaraan, siduu doono qofkaasi haku soo qaadee Veruskaasiye.

Mase ahayn in tusaale ka dhigo afar Dumar ah ayaa sabab dadban u ah gudbinta cudurkaasi, taas oo loogu soo gabannayo diiditaanka tacadudka ama in Haweenka la badiyo-siduu qoraagu sheegeyna Diintu ogol shahay, wax diintu ogolaateyna xaasha in cudur ama dhib laga qaado ama lagala kulmo.

Haddey Dumaasha Noqotana, maxaa ka duwey tusaalayaasha habeen iyo maalin hor yaala oo ah; kooxaha xanuunka Dibadda uuga keena walaalada muslmiinta ah ee waddanka gudihiisa ku nool, kuwaas oo ay badankooda soo bara kiciyeen kooxaha ku lagdamaya xukunka ee xabbada kaga soo saarey, kadibna Ciyaalkaasi Yurub iyo Ameerica ku dhaceen xumaantii Allaah innaga reebey, iyagoo sida cudurkaasna ku noqdey wadankii oo xabad xabad u qabadsiiyey, kadib markey xumaan ku galmoodeen.

Tusaalayaashaasu ma aha baab dadka looga soo dhexsaari karo oo looga dhigi karo iney sabab u tahay fidinta cudurkaasi, waxayse tahay sidii Ninkii cudurka ka sheekeynayey ee tusaale u soo qaatey haweenka cafiifaadka ah ee jirkooda qariyey oo kale, meel uu ka keeney ama uu ku arkeyna aan xaqiijin, hase yeeshee miyuu soo turjumey mise dhegtaa loogu sheegey, waxaad moodaa in xaqiiqda laga hor mariyo xaajooyinka muranka iyo daldaloolka keeni kara.

Sidaa daraadeed:

1- Qorayaashu Haka waantoobaan, iney baahiyaan afkaarta aan sal iyo raadka ku lahayn xaqiiqooyinka cilmiga iyo dhacdooyinka waaqica, haddey dhacdana naadir iyo tiro ku ah kuwa la barbar dhigi karo. Siduu Qoruhu sheegeyna, Welwel iyo walaac loogaga cabsiiyo arrin uu Allaah xalaaleeyey, isagoo heli karayey tusaalooyin habeen kasta hortiisa ka dhaca, ee ay ka midka yihiin meelaha xumaanta iyo faxshiga lagu fidiyo, ama sida loo sahlayo xumaantu iney fido ee halkii laga odhan laha aha u dhawaanina Zinada, iyadaa dariiq la maro u xun, dhalinyaradana guurka lagu baraarujin lahaa, keentey in loo qaybiyo Qondhon iyo afkaar ku leh guurka badan iska dhaafa!!

2-Sidoo kale , Akhristayaashu haka dhiidhiyaan marka xuduuda Diinta meel loogaga dhaco, taas oo arrimo kale haduu wax ka sheegi lahaa cirka loola kici lahaa, hase yeeshee Diintu noqtey mid cid kastaaba fandhaalka darsato, wuxuu doonana ka sheego.

3-Ha u qaadanin akhriste: in hadal aan jirin ama gef qoraal ku dhacay aan ka dhiidhiyayo, waxase cad oo muuqata in dadka Diintooda iyo dhaqankooda loogu dirayo ama loo durayo si dadban oo -ha ogaado qoraagu ama haka mooganaadee-loogu soo socdo arrimaha bulshada ee dhalitaan iyo dhaqitaan lagu dhaliilayo, haddii afarta dumara ah wax laga sheego ama Dumaasha, ama Haweenka wejigooda qariyey, sidoo kale dhalniinka badan iyo guurkaba: iney taasi tahay sababo Mujtamaca Muslimka ah la doonayo in looga soo dhaco, markii si toos ah looga guuleysan waayey.

Ugu danbeyntii, waxaan aad ula yaabey dabaal-degga lagu faraxsan yahay ee maalinta Aidiska, maxaa waddankeena muslimka ah looga dabaal degaa cudur Allaah ku cadaabayo Qawmkii xadkiisa dhaafa ee xurmeyn waaya xishoodka iyo xuquuqda insaanka, ma cadho Alle ayeynu ka hor tagi kareynaa hadii la xurmeyn waayey xalaasha iyo xaaraanta, mase noqoneysaa xal in Soomaaliya diyaarado Kiniin iyo qondhob la geeyo oo la yiraahdo ka hor tagga Aidiska, miyeysan ogeyn iney taasi xumaantu kusii baahayso, haddey ku farxaan iyo haddey u dabaal dagaanba Allaah cadhadiisa cid caabin karta ma laha markey soo cagacageyso ciideena.

Walaalka qorey, dhaqaatiirta uu kasoo guuriyey, iyo webka baahiyeyba xumaan iyo inaan ku xad-gudbo xorriyada qoraalkooda ma doonayo,waxaanse ka wadey inaan ku iftiimiyo iney bulshadeenu maanta u baahan tahay Ineynu Allaah u soo noqonno oo isaga xeerka iyo xuduudaba ka qaadano, ee aynaan eegin dhaqtar iyo Hay'ad gaaleed waxay qortey, markeynu ka talaabsanneyno Sunnada Rasuulka iyo Hadalka Allaah sw. Mana ilaabin Qoraaga dardaarankiisa uu gadaal ku sheegey iyo sida hufan ee uu dadka diinta Islaamka uugu dhiiriyey, hase yeeshee qoraalka dhexe iyo wuxuu xanbaarsan yahay ayaa keentey inaan tusaaleeyo keliya.

 

Wallaahu aclam, wabillaahi tawfiiq.

Abukhaalid_Kaarshe, Zürich
Subaan2005@yahoo.de

 

Print Send
print gareyso ama u dir qof kale

<<Dhammaan Qoraalada webka altaqwaa, ee lagu saxeexo qofka soodiray, waxay ka mattalayaan fikradda iyo Ijtihaadka Qofkaasi soo qorey, Webkana Durustiisa iyo Manhajkiisa ayuu ku dabran yahay ee la socda>>


 



 

Home | Duruus | Muxaadaro | Quran | Culimo | Qoraalo | Tafsiir | Xidhiidh | Manduumah

© Copyright Altaqwaa 2004.